WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Maamulihii Madaarka Hargeysa oo Xilkii Laga Qaaday

Hargeysa (WJN)- Warar xogogaal ah oo hada soo gaadhay xafiiska warqabadka Shabakada Wajaalenews.net ayaa waxa ay sheegayaan in Maareeyaha Hay”adda duulimaadyada Somaliland Cabdi Maxamed Rodol uu xilkii ka qaaday maamulihii madaarka Cigaal ee Hargeysa.

Wareegto ka soo baxday xafiiska maareeyaha Hay”adda Duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay in maanta laga bilaabo maamulaha Madaarka Hargeysa uu ahaado Maxamed Xuseen oo hore u ahaa maamule ku xigeenkii madaarka, Halka maamule ku-xigeenka 2 aad loo magacaabay maamule ku xigeenka koowaad.

Dhinaca kale Wareegtadan ka soo baxday xafiiska Maareeyaha Hay”adda Duulimaadyada ayaa waxa lagu sheegay in maamulihii madaarka Hargeysa Maxamed Yuusuf Xuseen loo magacaabay maamulaha Madaarka Berbera.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version