WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo La Kulmaya Madaxda Baanka Dhexe ee Ingiriiska

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi)  iyo masuuliyiin kale   ayaa galabta u kicitimay dalka Ingiriiska.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay  kaga qaybgalayaan magaalooyinka London iyo Manchester siminaaro aqoon korodhsi ah oo la xidhiidha maamulka maaliyadda iyo lacagta.

Cali Ibraahim wuxuu intaas ku daray inay kulamo  la yeelan doonaan madaxda Baanka dhexe ee Ingiriiska oo ah mid aad u fac weyn oo ay ka soo kasban doonaan khibrad ballaadhan, waxaanu xusay in booqashadiisu qaadan doonto muddo sagaal maalmood ah.

Guddoomiyaha waxa ku weheliya booqashada uu ku tagay Ingiriiska Maamulaha xarunta dhexe ee Baanka Cabdiraxmaan Warsame iyo  Agaasimaha Waaxda dabogalka lacagaha Mowliid Faarax.

 

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version