|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo La Kulmaya Madaxda Baanka Dhexe ee Ingiriiska
November 10, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) iyo masuuliyiin kale ayaa galabta u kicitimay dalka Ingiriiska. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay kaga qaybgalayaan magaalooyinka London iyo Manchester siminaaro aqoon korodhsi ah oo la xidhiidha maamulka maaliyadda iyo lacagta. Cali Ibraahim wuxuu intaas ku daray inay kulamo la yeelan doonaan madaxda Baanka dhexe ee Ingiriiska oo ah mid aad u fac weyn oo ay ka soo kasban doonaan khibrad ballaadhan, waxaanu xusay in booqashadiisu qaadan doonto muddo sagaal maalmood ah. Guddoomiyaha waxa ku weheliya booqashada uu ku tagay Ingiriiska Maamulaha xarunta dhexe ee Baanka Cabdiraxmaan Warsame iyo Agaasimaha Waaxda dabogalka lacagaha Mowliid Faarax.
WAJAALENEWS.NET HARGEYSA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Muran Ka Taagan Xuquuqda Sawir uu Daanyeer Gacantiisa Iskaga Qaadey Iyo Sawir-qaade Slater iyo Wiki... “Dhamaanteen Aynu Ahaano Kuwo Ka Shaqeeya Wanaaga Somaliland, Kuwa Hadimadeeda Ka Shaqeeyana,,,”Siya... Garyaqaanka Guud Ee Qaranka Oo Iftiimiyey Sababta Keenta Khilaafka Masuuliyiinta Hay’adaha Dawladda ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|