WAJAALE NEWS

Dhacdo Naxdin Badan:Nin Gabadhiisa Ku Dhiirigaliyay In Ay Nafteeda Ka Takhaluusto

dhimashoAustralia(WJN):-Nin u dhashay dalka Australia oo lagu eedeeyey inuu xaaskiisa ku dhiirrigaliyay inay isdisho ayaa lagu xukumay 10 sano oo xarig ah, dhacdadan ayaana dunida ka yaabisay.
Graham Morant, oo 68 sano jir ah ayaa bishii hore la xukumay kaddib markii uu xaaskiisa Jennifer Morant, ka caawiyay inay isdisho 2014-kii.
Waxaa arrintan ku kallifay damac ka galay lacagta faa’iidada caymiska, sida uu xaakimka ka dhawaajiyay ka dib markii uu caddeymaha dhageystay.
Morant ayaa waxa ay heli lahayd lacag gaaraysa 1.4 milyan oo doolar.
“Waxaad xaaskaada kula talisay inay isdisho maxaa yeelay waxaad rabtay inaad hesho 1.4 milyan oo doolar,” ayuu yiri garsoore Peter Davis, oo ka howlgala maxkamadda sare ee gobolka Queensland.
“Waxa uu ka faa’iidaystay xaaladdeeda”
Morant ayaa sheegay inuusan wax dambi ah gaysanin, balse garsooraha ayaa ogaaday inaysan xaaskiisa isdili lahayn haddii uusan ku dhiirr galin lahayn.
Haweenaydan oo 56 sano jir ah ayaa waxaa 30 bishii Novembar, 2014-kii laga helay maydkeeda agagaarka kaalin shidaal.
Farriin ay agteeda uga tagtay ayaa waxa ku qornaa “fadlan ha i badbaadinin”
Seygeeda ayaa horay u geeyey xarun lagu iibiyo qalabka, sida uu Jury sheegay.
Maalintii jimcada ee uu xukunka dhacay ayuu sheegay xaakim Davis in Morant aysan ka muuqanin wax shalayto ah oo ku aadan dambigiisa.

Morant ayaa sidoo kale lagu xukumay 6 sano oo xarig ah, oo uu ku muteystay inuu fal isdil ah gacan ka geystay, inkastoo xukunka 10ka sano ah iyo midka 6da sano ah uu isku mar qaadanayo.
Wuxuu in la cafiyo fursad u heli doonaa bisha Oktoobar ee sannadka 2023-ka
Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Wariye:Abdiqadir Habbane

Exit mobile version