WAJAALE NEWS

DAAWO; Madaxwayne Muuse Biixi Oo fariimo Isbarkan Udiray Itoobiya Iyo Maamulka Muqdisho, “Ma Nihin Dad Loo Taliyo Oo Uu Nin Kale Waxooda Metelaayo”

Burco(W,N):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Oo Maanta bulshada reer burco fagaare kala hadlayay ayaa siqotodheer uga hadlay xaalada guud ee dalka iyo dagaalada siyaasadeed ee lagu hayo jamhuuriyada Somaliland isagoo  markii ugu horreysay shaaca ka qaaday inaanay Somaliland u damqan doonin caqab kasta iyo gedoomin Siyaasadeed kasta oo kusoo waajahda qaddiyadda iyo Qarannimada awgeed, illaa ay u guulaystaan sida uu go’aankiisa Dunidu ku diiddanayd ugu guulaystay Hoggaamiyaha dalka Eritrea Isaias Afwerki.

Waxa uu Madaxweyne Biixi oo hadal kooban ka jeediyey Fagaaraha Khayriyada magaalada Burco oo uu Maanta gaadhay markii lagu soo dhaweeyey ka dib, waxa uu sheegay inaanay Somaliland iyo Soomaaliya wadahadli doonin illaa ay Somaliland guushu u muuqato, isla markaana si kastoo culays dibedeed oo siyaasadeed iyo dhaqaale loo saaro Somaliland aanay ka tanaasuli doonin Mawqifkeeda gooni-isu-taagga iyo doonisteeda ah inay Aqoonsi buuxa Beesha Caalamka ka hesho.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu hadalkiisa ku soo qaaday wax kala tabashada gudaha Somaliland doorashadii sannadkii hore ee uu Madaxweynaha ku noqday ka dib iyo sida uu u doonayo in doorashooyinka soo socdaa aanay waqtigooda dib uga dhicin, qodobbadaas iyo kuwo kale ayuu hadalkii Burco kaga hadlay Muuse Biixi.

“Waxa aynnu leenahay saddex xisbi oo ra’yigoodu kala duwan yahay oo haddana dalka wada leh oo dalka wada leh oo wada maamulaya, ceebna ma aha inay xisbiyadu kala duwanaadaan, waxa ceeb ah inaynnu qaranka wada dhisi weynno innaga oo xisbiyo ah, waxa ceeb ah inaynnu qaranka u wada guntan weynno, laakiin inaynnu kala ra’yi duwanaannaa waa maslaxadda dalka oo talada kala duwan baynu ku dhismaynaa, waxaana aynu nahay ummad kala duwan oo haddana mid ah.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi waxa uu intaas ku sii ladhay; “Maantana anigu markaan halkan Joogo waxan xidhanahay koofiyaddii qaranka labada xisbi ee kale iyo KULMIYE iyo dadka oo dhanna waan u simanahay oo madaxweynahoodii baan ahay, mid walibana xaq buu igu leeyahay, aniguna mid walba xaq baan ku leeyahay.”

“Carqaladaha ina hor taagan waxa kamid ah khilaafka dhexdeenna ah inaynnu gudaheenna ka daminno, ummad baynnu nahay oo waa la is khilaafayaa oo xisbiyadaa is khilaafaya oo deegaannadaa is khilaafaya,  waxase aynnu jiraynaa oo  wax qabsanaynaa marka aynnu khilaafkeenna ka dhiganno mid qoys, haddaanu xisbiyada nahay oo aanu qaylo badannahayna waannu joojinaynaa, haddaannu joojin weynnona idinkaa na qabanaya, waayo idinkaa na doortay, annaguna dalka nabad mooyaane u horseedi maynno khalkhal,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

“Maalin walba ku noolaan kari mayno oday daalay oo Suldaan ah, Sheekh caalim ah, dawladdii iyo Dadkii oo dhammi inay noqdaan wax laga nixiyo, wax gurmanaya oo la maqli waayo iyo wax is laynaya oo la kala qaban kari waayo, qabaa’ilkii iyo reerihiina dhibaatadaasaa inaga haysata, dhammaanteenna waa inaynnu gacmaha isu qabsanaa inaynu ka hor tagno dagaalka qabaa’ilka ah ee aan waxba ku dhisnayn. Iskuulka aynnu doonayno, biyaha aynnu doonaynno, waddada aynnu doonayno iyo jaamacadda aynnu doonayno dhaqaalaheedii waxa uu ku baxay gurmad iyo kala qabtaay.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo ka hadlaya sida ay Soomaaliya qaybta uga tahay culaysyo dibedeed oo dhawaanahan Somaliland dibedda kala kulmayso ama gedoomin la dareensan yahay oo isu-soo dhawaanshaha dalalka Geeska Afrika ka dhashay, waxaanu yidhi; “Ma nihin dad loo taliyo oo uu nin kale waxooda metelaayo, malaha waanad ogayn wixii dalka ka dhacay, kumaa-kunkii diyaaradaha lagu laayey, kuwii aqalladu ku dumeen, kuwii buuraha lagu laayey iyaga oo aan waxba galabsan iyo ummulihii la dooxay iyo dhallinyaradii boqol boqolka la isugu xidhayey ee qaar iyaga oo nool la gubay, dadka Somaliland-na waxa aan leeyahay dhexda waxaynnu u xidhanaynaa inaan la inagu cabsiin cid baa midoobaysa iyo niman faq-faqa, iyada oo aan innaga la ina arkaynin.

 

Exit mobile version