WAJAALE NEWS

Ciyaaryahan magaciisa uu argagax geliyay shaqaale diyaaradeed

Nin ciyaaryahan ah ayaa naanaystiisa waxa ay argagax ku abuurtay shaqaalaha diyaarad uu ku safrayay ka dib markii mid ka mid ah gabdhaha ka shaqeynayay diyaaraddaasi ay maqashay qof ka mid ah dadka rakaabka ah oo ninkaasi ugu yeedhaya magac cabsi geliyay.

Eoin Liston oo lagu naanayso “Bomber” oo micnaheedu yahay “qarxiye” ayaa waxaa ka shakiyay gabadhaasi shaqaalaha ka ah diyaaradda oo uga shakisay in uu yahay qof diyaaradda qarxin raba.

Magacan Bomber ayaa u baxay ciyaaryahankan ka dib markii uu kooxda Kerry ka caawiyay in ay saddex gool ku garaacdo kooxda Dublin sanadkii 1978.

Magacaasi ayaa tan iyo xilligaasi noqday mid uu caan ku yahay oo dad badani u yaqaaniin.

Balse wiigii la soo dhaafay ayaa magacaasi waxa uu sababtay in argagax iyo jahawareer uu ka dhex dhaco diyaarad uu la socday oo ka duushay Cardiff kuna wajahnayd Cork.

Mid ka mid ah gabdhaha ka shaqeynayay gudaha diyaaradda ayaa maqashay qof ka mid ah rakaabka oo u yeedhaya ninkaasi ka dib waxay ay la xidhiidhay duuliyaha diyaaradda oo ay arrinta ay ka shakiday u sheegtay. Arrintan ayaa markii dambe gaadhay in magacaasi laga baadho Google, si dadka loogu qanciyo in magacaasi yahay naanays uu ninkan caan ku yahay.

Walaac

“Waxaan ku sugnaa qeybta hore ee diyaaradda kaddib waxaan maqlay oo dhagteyda ku soo dhacay wiil yar oo iigu yeedhaya magaca ‘Bomber’, si uu ii soo jeediyo,” ayuu yidhi Liston oo wareysi siiyay wargeyska The Irish Independent.

“Gabadhan ka shaqeynaysay diyaaradda ayaa dabcan iga shakiday, waxa ayna walaaceeda la wadaagtay duuliyaha diyaaradda,” ayuu yidhi.

“Waan ogaa in dhibaato ay jirto. Marka waxaan sugay ilaa iyo inta dadka oo dhami ay degayaan diyaaradda.

“Qaar ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa wareysi la yeeshay qofkii ay naaneystaasi ka maqleen, ka dibna Google-ka ayay raadiyeen si ay u xaqiijiyaan in magacaasi uu yahay naanays aan caan ku ahay,” ayuu yidhi Eoin Liston.

Waxa uu intaasi ku daray in shaqaalihii diyaaradda ay markii dambe qanceen oo ay ogaadeen in meeshu aysan dhibaato ka jirin.

Exit mobile version