WAJAALE NEWS

Wiil Diyaarad Ku Dhex Dhashay Oo Loo Ballanqaaday In Uu Bilaash Ku Raaci Doono Inta Uu Noolyahay

Shirkad diyaaradeed oo Hindiya laga leeyahay ayaa ballanqaaday in uu bilaash ku raaci doono diyaaradaheeda inta uu nool yahay wiil ku dhex dhashay diyaaraddooda.

Wiilka ayaa ku dhashay diyaarad ay leedahay shirkadda Jet Airways oo ka soo duushay Sacuudi Carabiya kuna sii jeeday dalka Hindiya.

Shaqaalaha diyaaradda iyo qof rakaab ah oo leh tababar kalkaaliso caafimaad ayaa caawiyay oo ka dhaliyay haweenay ay qabatay fool wakhtigeedii ka soo hormartay.

Marka ay hawenaydaasi dhashay waxay diyaaraddu dhulka ka sarraysay 10,688 mitir.

Hoyada iyo wiilka ayaa cisbitaal la geeyay ka dib markii ay diyaaradda oo nooceedu yahay Boeing 737 ay dagtay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Shirkadda diyaaradda ayaa BBC-da u sheegay in wiilka iyo hooyadiiba ay caafimaad qabaan.

Shirkadda ayaa shaqaalaha iyo kalkaalisada caafimaadka uga mahadnaqay sida wanaagsan ee ay ugu guulaysteen ka umulinta haweenayda wiilka dhashay.

Shirkadda ayaa sheegtay in wiilkaasi uu ahaa wiilkii koobaad ee diyaaradahooda ku dhasha.

Diyaaradaha badankood way ogolaadaan in ay qaadaan dumarka uurka leh inta ka horaysa toddobaadka 36aad ee uurka, laakiin waxay u baahan yihiin waraaq uu soo saxeexay dhakhtar oo la qoray inta ka horaysa toddobaadka 28aad ee uurka, taas oo ay ku caddahay maalinta la rajaynayo in ay hooyadu dhallidoonto.

 

Exit mobile version