WAJAALE NEWS

Basaska Dadwaynaha ee Nairobi oo Shaqo Joojin Sameeyay

Nairobi (WJN)- Mulkiilayaasha gawaadhida dadwaynaha qaada ee Kenya looga yaqaanno Matatuda ayaa shaqo joojin sameeyay iyaga oo ka cabanaya shuruudo adag oo ay dawladdu hore u soo rogtay balse dhaqan galintooda la billaabayo.

Shuruucda la dhaqan galinayo hadda waxaa ka mid ah in dhammaan basaska dadwaynuhu ay yeeshaan suuman, in la xaddido xawaarahooda iyo in ay yeeshaan calaamad jaale ah oo lagu aqoonsado.

Daawo qaar ka mid ah sawirrada wadooyinka laga soo qaaday.

Exit mobile version