WAJAALE NEWS

Wasaaradda Maaliyada Somaliland oo Dhaqaale Ugu Deeqday Dugsiga New Gabiley

Hargeysa (WJN)- Bayaan ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaarada horumarinta Maaliyada Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo nuqul kamid ahi uu soo gaadhay xafiiska warqabadka Shabakada Wajaalenews ayaa waxaa lagu yidhi Wasiirka wasaarada horumarinta Maaliyadu waxaa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Maayarka iyo Badhasaabkaa gobolka Gabiley iyo dhamaan shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley dhawaaqidii ay ku dhawaaqeen dhisida dayrka dugsiga NEW GABILEY.

Sidoo kale waxaa uu Wasiirka horumarinta Maaliyadu sheegay in dhisida dayrka dugsigaasi oo ah mid iskaa wax u qabso ah ku dhiseen bulshada reer Gabiley uu yahay mid ka qayb qaadanaya horumarka dalka islamarkaana muujinaya in bulshadu ka qayb qaadan karaaan horumarka deegaanadooda, waxaana war-murtiyeedkaa lagu yidhi. sidaasi daraadeed iyadoo dalka duruufo badan ku gadaaman yihiin waxaa madaxda wasaarada horumarinta Maaliyadu oo uu horkacayo Wasiirka wasaardaasi ay dhisida dayrka dugsiga NEW GABILEY ay kaga qayb qaadan doonaan qadar lacageed oo dhan 8 Milyan oo Shilinka Somaliland ah kaas oo ay  ka jari doono mushaharkooda.

Dhinaca kale Wasiirka wasaarada horumarinta Maaliyada Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa waxaa uu ugu baaqay bulshada in la joogo xiligii umada reer Somaliland ay isku tashan lahaaayeen oo ay gacmaha is qabsan lahaayeen waxaana uu sheegay in ay waajib qaran tahay sidii loogu guntan lahaa horumarka dalka.

Allaa Mahad Leh

Yuusuf Maxamed Cabdi

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyada JSL

Exit mobile version