WAJAALE NEWS

War Deg Deg ah: Itoobiya oo Berri Yeelanaysa Madaxweyne Cusub iyo Mulatu Teshome oo Is-casilaya

Addis Ababa (WJN)- Madaxweynaha Itoobiya, Mulatu Teshome, ayaa la filayaa inuu maalinta burrito ah baarlamaanka waddankiisa u gudbiyo isticqaaladiisa is casilaadda.

Madax-xafiiseedka xidhiidhka baarlamaanka federaalka Itoobiya ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in madaxweynaha uu go’aankaas gaadhay.

Isla berri ayaa lagu wadaa in baarlamaanka Itoobiya uu doorto madaxweynihii shanaad ee uu waddanku yeesho tan iyo wixii ka dambeeyey markii la eryey Mengistu Haile Mariam, horraantii 1991.

Lama sheegin sababta uu isu casilayo Mulatu Teshome, wuxuuna xafiiska hayey muddo qiyaastii afar sano ah, iyadoo uu sannadna u dhiman yahay.

Waxaa aad loo aaminsan yahay in is casilaadiisa ay la xidhiidho arrin salka ku haysa isu dheellitirka siyaasadda Itoobiya ee wax qaybsiga qabaailka, iyadoo ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo Mulatu Teshome ay labadaba ka soo jeedaan qowmiyadda Orommada, sidaa darteedna aysan isku darsan karin labadaas jago ee waaweyn.

Waxaa la filayaa in qofka noqon doona madaxweynaha soo socda ee Itoobiya uu ka yimaado, ugu yaraan, xisbiga talada haya ee EPRDF sidi caadada ahayd, laguna qanciyo mid ka mid ah beelaha tirsanaya in la gacan bidxeeyey.

Teshome wuxuu xilka kala wareegay Girma Wolde Gorgis oo hayey xafiiska muddo 12 sano ah, intii u dhaxaysay September 2001 – October 2013.

Waxaa isna ka sii horreeyey Negasso Gidada oo madaxtinimada hayey intii u dhaxaysay August 1995 – October 2001.

Gidada intii aanu xilkaas qaban waxaa hayey Meles Zenawi oo si KMG ah u hayey intii u dhaxaysay March 1991 – Agoost 1995, wuxuuna markii dambe noqday ra’iisal wasaarihii 13aad ee Itoobiya ilaa iyo intii uu ka geeriyoonayey 20 August 2010, xilligaas oo uu 57 jir ahaa.

Sida uu dhigayo dastuurka Itoobiya, xilka madaxweynaha ayaa ah mid aan awood fulin lahayn, waxaana awoodda fulinta inteeda badan leh ra’iisal wasaaraha, waxaana inta badan qaban jiray xilkaas siyaasiyiin ka soo jeeda qowmiyadda Orommada.

 

WAJAALENEWS DESK

ADDIS ABABA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version