WAJAALE NEWS

Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Fariin Udiray Ganacsatada Wax kala soo daga Dekeda Berbera Una Soo Jeediyay In ay U Hogaan Samaan Awaamiirta Dekada.

HARGAYSA(Wajaalenews) Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo kamida mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay muranka Maalmihii udanbeeyay ka taagnaa dekada berbera oo u dhaxeeyay ganacsatada iyo maareeyaha dekeda berbera oo iyagu ka biyo diiday lacagta laga qaado alaabaha kasoo dega dekeda berbera oo maalmihii u danbeeyay buuq ka dhaliyay dekeda.

Xidhibaan bashiir oo arimahan ka hadlayaana wuxu yidhi,

“waxaa maalmihii u danbeeyay warbaahinta ka hadlayay qaar kamida  ganacsatada wax kala soo daga dekeda Berbera  run ahaantiina waynu ognahay adeegyada ay dekedu qabato manay jirin 20kiisano ee u danbeeyay wax ganacsatada lagu kordhiyay intaasina way ka faa,iidayeen waqtigana lacagta lagu kordhiyay cashuur maaha ee waa ta laga qaado adeegyada dekada  (service charge) oo ay kamid tahay lacagta lasiiyo xamaaliitan alaabahooda dusha ku qaada iyo dhaqaalaha lagu daryeelo dekeda.

Waxaan Ganacsatada usoo  jeedinayaa in ay u hogaansamaan awaamiirta lagu soo rogay dekeda iskana daayaan buuqa iyo in bulshada si khaldan ay wax ugu sheegaan, waynu ognahay cida kaliya ee dalka wax ka faa,iidaa in ay tahay ganacsatada waxaana loo baahan yahay si dekeda berberi u noqoto deked caalamiya waa in si wadaniyadi ka muuqato loogu garab istaago Mareeyaha waxqabadka iyo dedaalada  uu ugu jiro Horumarinta dekeda waana muhiim in  ganacsatada wax kaga soo noqdaan Horumarinta dekeda.

Ugu danbayn tijaarta waxaan usoo jeedinayaa in ay ixtiraamaan shuruucda dalka u yaala, waynu ognahay iyadoo waxkastaa ka jabay dunida hadana in aanay ganacsatada dalku wax ka badalin badeecadahooda, haday tahay shidaalka iyo cuntadaba hadana waxay nasiib daro noqotay cida kaliya ee haddii shilin lagu kordhiyo ugu cabashada badan weeyi,

waxana muhiima in iyaga laftoodu dareemaan dhibta ay leedahay sixir bararka ragaadiyay dalka oo bulshadiisu u badan tahay dad danyar ah” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaan Bashiir.

si kastaba ha ahaatee mareeyaha dekeda berbera Eng Cali Xoor Xoor ayaa ah masuul dadaal badan u galay sidii u dekeda u horumarin lahaa isaga oo ka fuliyay mudadaas uu joogay dekeda mashaariic hor leh oo keenay inay wadamada jaarku kusoo hirtaan inay wax kala soo degeen dekeda berbera oo dhacda marin istaratiji u ah dawladaha gobolka.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version