WAJAALE NEWS

Siyaasi Ramaax oo Eedo Culus U Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (WJN)- Xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga mucaaridka Ucid Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbigaasi ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo shirkii uu dhawaan ku baaqay gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe isagoona tilmaamay in xisbiyada mucaaridku diyaar u yihiin in dalka ay doorasho ka dhacdo balse xisbiga Kulmiye uu arrintaasi ka cago jiidayo.

Sidoo kale Xoghaye Ramaax ayaa waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay Maayarka caasimada Hargeysa oo sheegay in dhawaan ay rarayaan xarunta Madaxtooyada iyo Baarlamaanka islamarkaana laga kala dhisi doono qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” ayaa waxa uu wasaarada Warfaafinta uu ku eedeeyay inay fadhiisatay Idaacadii guud ee uu qaranku lahaa isagoo arrintaasi ku tilmaamay nasiib daro dalka u soo hoyatay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

Exit mobile version