|
|||||
WAJAALE NEWS
Siyaasi Ramaax oo Eedo Culus U Jeediyay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi
October 13, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Xoghayaha arrimaha dibada ee xisbiga mucaaridka Ucid Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbigaasi ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo shirkii uu dhawaan ku baaqay gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe isagoona tilmaamay in xisbiyada mucaaridku diyaar u yihiin in dalka ay doorasho ka dhacdo balse xisbiga Kulmiye uu arrintaasi ka cago jiidayo. Sidoo kale Xoghaye Ramaax ayaa waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay Maayarka caasimada Hargeysa oo sheegay in dhawaan ay rarayaan xarunta Madaxtooyada iyo Baarlamaanka islamarkaana laga kala dhisi doono qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Hargeysa. Dhinaca kale Maxamuud Cali Saleebaan “Ramaax” ayaa waxa uu wasaarada Warfaafinta uu ku eedeeyay inay fadhiisatay Idaacadii guud ee uu qaranku lahaa isagoo arrintaasi ku tilmaamay nasiib daro dalka u soo hoyatay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
WARIYE: XAMSE JIRDE WAJAALENEWS.NET HARGEYSA OFFICE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|