WAJAALE NEWS

Qaramada Midoobey oo War Ka Soo Saartay Dilka Shaqaalahooda Soomaaliya

Muqdisho (WJN)- Qoraal kasoo baxay Hay’adda Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dhibaatooyin badan ay la kulmaan shaqaalaha gargaarka ee ka jooga Somaliya.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in shaqaalahooda ay la kulmaan weerarro kala duwan oo qaarkood lagu waxyeeleeyo xili ay ku guda jiraan shaqooyinkooda.

Waxa ay Qaramada Midoobey sheegtay in weeraro dhacay lagu dilay 8 qof halka lagu dhaawacay 12 kale intii u dhaxaysay January iyo September ee Sanadkan.

Qoraal si gaara uga soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee isku xidhka arrimaha gargaarka ayaa waxaa lagu sheegay in 90 dhacdo oo rabshado ah ay saameeyeen Hay’addaha Bani’aadanimadda, taasi oo keentay in la Afduubto 18 qof si ku meelgadh ahna loo xidho 13 kale.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxaa lagu yidhi “ Khasaaraha ka yimid Weeraradda argagixisadda ee meelaha Dadku ku badanyihiin ee Muqdisho ayaa ku jira Tiradda ugu badan ee Dhimashadda iyo dhaawaca iyo sidoo kale bururka agabka gargaarka”

Hay’adda OCHA ayaa cambaaraysay Weeraradda saamaynaya howlaha Hay’addaha Bani’aadanimadda ee Somaliya, waxayna Hay’addu sheegtay in rabshadaha bani’aadanimaddu kordheen.

Sidoo kale, waxaa qoraalada Hay’adda Qaramada Midoobey lagu sheegay in iyadoo ay dhacayaan dhibaatooyin caynkaasi ah ay hadana diyaar u yihiin inay gurmad rasmi ah ka geystaan goobaha ay ka jiraan dhibaatooyinka ee Somaliya.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay Colaadaha ka jira gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya ay hor istaageen gargaar badan oo halkaas lagayn lahaa.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka Qaramada Midoobey ayaa kusoo beegmaya xili labadii bilood ee lasoo dhaafay ay Hay’addaha Bani’aadanimaddu joojiyeen Howlihii gargaar ee ay ka wadeen Shabaleeha Hoose, taasi oo sameysay 34,000 oo ruux, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Exit mobile version