WAJAALE NEWS

Muj Cali Guray Oo Ka Hadlay Muhiimada Barnaamijka Shaqo Qaran Iyo Aqoonta Masuul Loo Magacaabay.

HARGAYSA(W,N) Siyaasi Cali Guray oo kamida Masuuliyiinta Xisbi xaakimka kulmiye ayaa ka hadlay Waxyaalaha ay ubaahan tahay dhismaha haayada cusub ee Barnaamijka shaqo qaran taasi oo madaxwaynaha Somaliland umagaacabay xilkeeda masuul shaqooyin kala Duwan kasoo Qabtay dalka.

Sidoo kale Cali Guray ayaa ka hadlay karti iyo aqoonta masuul cusub ee loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka  Shaqo Qaran,

Waxaanu Qoraal kooban oo uu Arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay Barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshada ee faceboobga Wuxuna Udhignaa Sidan;

“In kastoo     Aanan fahmin Xilkeeda Iyo Waajibaadkeeda Shaqo hadana Waxan u fahmay Haya’d cusub oo maamul Oo Aan weli la Dhisin Qaabkeeda. Mua’dinku Inu markaa Isagu haya’dda dhiso ayaa marka hore noqon doonta Hawlihiisa ugu horeeya taasoo ah mashruuc sidiisa ah xataa heerkeeda bilawga (initial establishment) hadii kale wax macno ah ma samayn doonto xilka loo magacaabayna wuxu noqon doonaa magac u yaal. Haya’d-dhisku ( institution building or even organisation development) waa xirfad u baahan Aqoonteeda marka Haya’d cusub la dhisayona waxa ugu horeeya in la faahfaahiyo fikirka ka Dambeeya (organisational concept) oo si fiican loo Qeexaa xataa dhinaceeda sharciyadda (leagal aspect) ilayn miisaaniyad baa loo qoondayn doonaye. Hadii ay haya’d dawli ah oo rasmi ah Noqonayso waxan is leeyahay ka maarmimayso xeer Baarlaman In Lagu Ansixiyo.

Dhinaca kale Maxamed Waa nin lagu Yaqaan karti iyo Dadaal muddo dheerna ku soo dhex jiray Hawlaha qaran-dhiska maamul iyo Siyaasadba waanan ku Hambalyaynayaa Xilka cusub ee loo Dhiibay.

 Siyaasi Muj Cali Maxamed Yuusuf(caliguray)

Exit mobile version