WAJAALE NEWS

Mashruuca Beeraha Banka Wajaale oo Laga Soo Gooyey Qamadigii Ugu Horeyey

Tog Wajaale (WJN)- Wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland ayaa waxa ay maanta si rasmi ah u biloowday jarida waxsoo saarka dalaga Qamadida oo ka mid ahaa dalagyadii kala duwanaa ee laga beeray banka Wajaale.

Dalagan ayaa waxa uu ku baxay 2 bilood iyo 28 habeen waana markii ugu horeysay ee qamadi intaasi leeg laga beero Somaliland.

Hawl galkan lagu jarayay dalagan waxa goob jog ka ahaa Wasiirka wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo horkacayay Wasiirada wasaaradaha Horumarinta Jidadka, Xanaada Xoolaha iyo Kaluumaysiga, Wasiir ku-xigeenka wasaarada Qorshaynta iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha, Madaxa Mashruuca Banka Wajaale iyo Isu-duwaha wasaarada Beeraha ee gobolka Gabiley.

Ugu horayn Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta Beeraha Axmed Cali Maax iyo Madaxa mashruuca banka Wajaale Mawliid Xasan ayaa ka warbixiyay dalagaasi qamadida ee maanta la soo jaray.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version