WAJAALE NEWS

Madaxweynihii Hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Iley oo Maxkamad La Soo Taagay Markii Saddexaad

Addis Ababa (WJN)- Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar, ayaa maanta markii saddexaad lasoo taagey Maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalkaasi.

Xubno katirsan qoyskiisa, eheladiisa iyo qareenno u doodaya ayaa ka qeybgalay dhageysiga Maxkamadda ay dhageysanayso dacwadaha loo haysto Cabdi Maxamuud, iyadoo aan la ogeyn xiliga rasmi ahaan  go’aan laga gaadhi doono.

Xeer ilaalinta dacwadaha ku soo oogtay Cabdi Maxamuud Cumar, aya dalbatay in la siiyo 10 maalin oo kale, si ay usoo dhameystiraan cadeymaha buuxa ee eedaha loo heysta Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxey noqoneysaa markii 4-aad ee Maxkamada Addis ku taala la soo taago Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Somalida.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu xidhay Addis Ababa bishii lasoo dhaafay ee August, maalmo kadib markii uu xilka iska casiley, sidoo kalena Baarlamaanka dowlad degaanka uu ka qaadey isaga iyo mas’uuliyiin kale xasaanadda.

Waxaa lagu soo eedeeyay Cabdi Maxamuud Cumar xad¬gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kicinta rabshadihii ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, oo u dhaxeeyay qowmiyadaha degan DDSI iyo musuq-maasuq.

Kiisaskan oo aad u culus, ayaa hadii lagu helo Cabdi Maxamuud  Cumar waxaa la sheegay inuu ku muteysan karo xabsi sanado badan ah, waxaana uu dhawaan codsaday in la cafiyo, isagoo baaqaas u diray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Madaxweynaha cusub ee DDSI, Mustafa Maxamed ayaa markii uu xilka la wareegay balan¬qaadey in cadaaladda la marin doono cid walba oo dembi ka gashay shacabkiisa.

 

WAJAALENEWS DESK

JIG JIGA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version