Muqdisho (WJN)- Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota.
Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah.
Halkan hoos ka akhriso war-saxaafadeedka.
Wasaarada Amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaadhka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii hore loola galay hay’addaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba.
Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulinaysana go’aankii madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaliya cafiska ugu fidiyey dhamaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga midho dhalin lahaa cafiska Madaxweynahu ku dhawaaqay.
Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiskii ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadii saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xidhnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha.
Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabatayntii dowladaha caalamku saareen.
Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed. Ugu dambayn, Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalku waxay ku wargelinaysa Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha aan kor kuso xusnay ee ku saabsan dooroshooyinka soo socda.