WAJAALE NEWS

Dowlada Itoobiya oo Xaqiijisay Taageerada Ay U Hayso Balaadhinta Heshiiska Dekeda Berbera, Kana Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Xisbiga Waddani

Hargeysa (WJN)- Dowlada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay taageersan tahay heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera iyo dhamaan iskaashiga u dhexeeya Somaliland, Iyadoo beenisay hadal ka soo yeedhay xisbiga Waddani.

Md Berhe Tesfay, Qunsulka Guud ee Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa sheegay in aanu waxba ka jirin hadal xisbiga Waddani shaki kaga muujiyey ka maqnaanshahii Itoobiya ee xafladii heshiiska balaadhinta dekeda Berbera.

Md Tesfay oo weriye Maxamuud Walaaleye wax ka weydiiyey isagoo ku sugan Hargeysa dareenkiisa heshiiskii balaadhinta dekeda Berbera iyo hadal xisbiga Waddani ka yidhi ka maqnaanshahooda, ayaa waxaa uu yidhi. “Itoobiya way taageersan tahay heshiiska Balaadhinta Dekeda Berbera iyo dhamaan iskaashiyada ay la wadaagto Somaliland.” Ayuu yidhi Md Tesfay. Isagoo raaciyey.

“Xisbiga Waddani been ayuu ka sheegay, hawl dhinacyadii ay khusaysay hore u dhamaysteen.” Ayuu yidhi.

Hadalka Qunsulka Guud ee Itoobiya Md Berhe Tesfay ayaa mugdiga ka saaray hadal xisbiga Waddani ku sheegay in saamiga dekeda Berbera oo u dhexeeyey Imaaraadka, Somaliland iyo Itoobiya, ay  heshiiska balaadhinta dekeda Berbera Itoobiya ka maqnayd, halkaasina su’aal layska weydiinayo, ma saamiga Itoobiya ayaa been ahaa? oo bulshada qaarkood hadal-hayeen.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version