WAJAALE NEWS

Ex Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde Oo Ka Hadlay Xilkii Safiirnimo Ee Loo Dhiibay Iyo Arimo Kale Oo Dhawr Ah

waran cadeHargeysa(WJN):- Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Somaliland Md Cali Maxamed Waran-cadde ayaa markii u horeysay cadeeyey inuu ku qanacsan yahay xilka wakiilka Itoobiya ee loo magacaabay oo aanu saddex bilood kadib magacaabistiisii ka hawl galin xafiiskiisi loo magacaabay.

Md Waran-cadde oo waraysi uu la yeeshay wargeyska Geeska Africa waxa kale oo uu meesha ka saaray wararka sheegaya in aaanu madaxwaynuhu wakhti xaadirkan Talin.

Waraysigan oo uu sidoo kale Cali Waran-cadde kaga  hadlay khilaafaadka xisbiyada qaar ka dhex oogan ayaa waxa uu u dhacay sida tan

Xilkii wasiirka arimaha gudaha waa lagaa qaaday oo waxa laguu magacaabay wakiilka Somaliland ee dalka Itoobiya ,waxaana soo baxaya warar sheegaya in aanad ku qanacsanayn xilkan wakiilnimo ee maxaa ka jira?

Safiirnimada anigaa doortay ee wali waan xaamxaamanayaa.

Tan iyo intii aad ahayd wasiirka arimaha gudaha Somaliland maxaa kuugu adkaa ee kusoo maray?

Wasaaraddan waa wasaarad dalka aad iyo aad muhiim ugu ah ,waa wasaaradd hawl badan kolayna waxay ku jirtaa wasaaradaha ugu dhibka badan uguna masuuliyadda badan illaahayna waa ii fududeeyey

Waxa inta badan la yidhaahdaa madaxwaynuhu ma taliyo ee dadka ku xeeran ayaa talada dalka gooya oo aan ahayn kuwii la doortay.Muddo dheer ayaad ahayd wasiirada ugu dhaw madaxwaynaha arrintaas maxaa ka jira

Hadaladaas waa hadalo meel waayay ,dalkuna madaxwayne ayuu leeyahay isaga Ayaana taliya  waana la yaqaanaa ,madaxwaynuhu waa nin taariikh dheer leh hadii ay tahay somaliya iyo Somaliland-ba waa nin halgamaa ah maantana isagaa dalkan madax ka ah,waana dacaayado iyo dad Illaaahay ka baqaynin dadka hadaladaas leh ,xitaa islaamnimada ayay ku xun tahay in dad aad been ka sheegto,dalkana waxa xukuma Axmed Maxamed Siilaanyo  oo madaxwayne ka ah wax dhib ahna ma jiro

Xisbigii UCID Faysal Cali Waraabe-na markii saddexaad ayu isa soo sharaxay musharaxnimada madaxwayne ee maxaad kula talin lahayd ,maxaad se ka odhanaysaa muranka mudada u dhexeeyey Faysal iyo Jamaal?

Axsaabtu waa hanti qaran oo ayny leenahay,saddex xisbi ayaynu leenahay ,saddexdaa xisbina wax ka badan lama samayn karo,mana ah in saddexda xisbi mar kaste is haystaan ee waa inay khilaafaadkooda yareeyaan,waana in la isku haneeyo jagooyinka si aanay xisbiyadu inooga burburin,waxaana xisbiyada ugu baaqayaa inay dhexdooda ka heshiiyaan oo khilaafaadka ka saaraan.

Doorashadii madaxtooyada bilo kooban ayaa inaga xiga ,xisbiyadiina loolan adag ayaa ka dhaxeeya markaa maxaad odhanaysaa?

Wakhti adag ayaa soo socda dabaylaha siyaasada ee soo socda in aanay dadku ka nixin Ayaan kula talinayaa oo cidna inaanay saamayn ku yeelan,dadkuna iyagaa xaq u leh inay doortaan cidii shanta sanno ee soo socda xukumaysa inay doortaan,kuna doortaan cidii ay iyagu jecel yihiin si wanaagsan oo ay nabad galiyo ku jirto oo qabyaalad,xumaan gobolaysi iyo dhibaato midna aan lahayn inay ku doortaan qofka ay isleeyihiin waa uu idin wadi karaa ayaa loo baahan yahay,runtii shacabka bisil waa shacabka garanaya cidii ay dooran lahaayeen iyo sida ay wax u dooran lahaayeen,cidda u xiireysa iyo cida u hoolaysana waa ay kala garanayaan.

Abaaro baahsan oo dad iyo duunyo-ba saameeyey ayaa dalka ka jira markaas maxaad ku baaqi lahayd?

Abaaraha maanta jiraa waa abaaro khatara,waa abaaro dalka intiisa badan saameeyey,maalmo dhawayd waxaan soo maray gobolada Awdal iyo Gabiley oo dadkii ka yimi bariga fog,inta halkaasi gawaadhigii lagu keenay  oo ay runtii dadku u fasaxeen dhulalkoodii,beerahoodii iyo bankii ay beerteen,oo si wanaagsan waa losoo dhaweeyey,dadka reer Somaliland sidaas ayay isku og tahay oo hadii ay dhibaato qabsato sidaas ayay iskugu gurmanayaan,waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu abaarta inaga soo furto waa abaar aad u adage,ilaahay haynaga soo jabiyo oo makhluuqiisa haw naxariisto,ta labaad dawladu way dadaalaysaa,shacabkuna aad iyo aad ayayu dadalayaan,caalamkana waxaan ka codsanaynaa in abaartan ku dhacday dad iyo xooloba in waxixi deg deg ah ee mucaawimo ah ee ay nala soo gaadhi karaan inay nala soo gaadhaan”.

Wajaalenews.net
Hargeisa Office

Xigasho Geeska

Exit mobile version