WAJAALE NEWS

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Ka Hadlay Heshiiska ONLF iyo Itoobiya

Jig Jiga (WJN)- Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay heshiis dowladda Itoobiya ay la gashay jabhadda hubeysan ee ONLF oo muddo dheer dagaal kula jirtay dowladda.

Heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa soo afjaraya colaadda u dhaxeysay labada dhinac, wuxuuna heshiiskaasi qeyb ka yahay isbadallada uu la yimid ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmed.

Wasiirka Warfaafin Dowlad deegaanka Soomaalida Guuleed Aw Cali Kaahin ayaa waxa uu soo dhaweeyay heshiiska ay wada gaadheen labada dhinac.

 

Exit mobile version