Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Gurey” ayaa waxa uu si adag uga Hadley dagaalka markale ka dhex qaraxay beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool.
Sidoo kale Siyaasi Cali Gurey ayaa waxa kale oo uu ka hadley gurmad la sheegay in dowlada Soomaaliya soo gaadhsiinayso deegaanadaa ay dagaaladu ka dhaceen.
Siyaasi Cali Gurey oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga ayaa u dhignaa sidan. “Kuwa gurmadka Laascaanood iyo Tukeraq iyo Dharkayngeenyo iyo Kalabaydh jooga yidhi waxba nooguma filna eh Muqdisho gurmad ha noo soo dirto yaa huba inay iyagu daacad yihiin? Hadayse kaba sugaan goorma ayay filayaan inu gurmadka Muqdisho soo gaadhi doono?.
Xukuumadda Somaliland waa la dhaliili karaa hadii ay hagrasho jirto laakiin isma lihi hagrasho ayaa jirta ee bal xisaabta ha lagu daro Ciidanka Qaranku inu difaac ku jiro oo front dagaal difaac kaga jiro.
Anigu taagga way dadaalayaan baan isleeyahaye dad walaalo ah oo aan waxay kala yihiin irin colaadda kugu dhimay oo kaa dhimay ah in aan wax dan u ah igu jirin inay fahmaan ayaa loo baahan yahay oo waxa ka dex adeegayaa waa shaydaan eh shaydaanka iska naaraan oo Ilaahay u noqdaan ayay u baahan yihiin. Askari wuxu kala dhex joogi karaa waa muddo yar ee weligood iyagoo Ilaahay meel ku wada uumay oo wiil iyo abti iyo inaadeer iyo ina anti wada ah cid kala ilaalin karaysaa ma jirto.
Markaa waxa loo baahan yahay inu caqligu shaqeeyo oo intii dhimatay way dhimatay oo soo noqon maayaane inta nool ha loo taliyo”.
Siyaasi Cali Gurey