WAJAALE NEWS

Baanka Adduunka iyo Dowladda Soomaaliya oo Maanta Heshiis Kala Saxeexday

Muqdisho (WJN)- Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Baanka Adduunka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxeexday heshiiska deeqdii lacageed ee dhawaantan loogu deeqay Soomaaliya. Lacagtan oo gaadhaysa 80 milyan oo doolar ayaa 60 milyan oo kamid ah waxa loo qoondeeyay mashaariicda dibu qaabaynta hay’addaha maaliyadda ee dalka Soomaaliya, iyadoo 20 ka milyan ee kale loo qorsheeyay mashruuca awood siinta hay’adadha maaraynta dakhliga gudaha.

Saxeexa heshiiskan oo ka dhacay xafiiska Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhinaca Dawladda waxa u saxeexay wasiirka maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, dhinaca Baanka Aduunka waxa u saxeexay agaasime goboleedka.

Lacagtan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee Baanka Adduunka uu siiyo Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay Dawladdii Dhexe 1991 kii. Baanka Adduunka ayaa wadashaqayntii uu la lahaa dawladda Soomaaliya soo celiyay 2013 kii.

 

Exit mobile version