WAJAALE NEWS

Xisbiyadda Ucid iyo Waddani oo Eedaymo Culus Isku Mariyey Warbaahinta

Hargeysa (WJN)- Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland Ucid iyo Waddani ayaa waxa ay warbaahinta isku mariyeen eedaymo culus.

Guddoomiyaha garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Sadiiq Dhame ayaa waxa uu falal argagixiso ku eedeeyay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, isagoo sheegay in uu yahay eedaysane lagu soo eedeeyay kiis argagixiso oo uu yahay siyaasiga kaliye ee kiis argagixiso lagu soo eedeeyay.

Dhanka kale Xoghayaha golaha dhexe ee Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Jiir Cali Madoobe ayaa waxaa uu isna jawaab adag ka bixiyay eedaymahaas xisbiga Waddani u soo jeediyay, Isagoo eedaymahaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona lahayn, Waxaana uu sheegay in Xisbiga Waddani dhaqaalaha siiyo Jabhada Caarre.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Exit mobile version