WAJAALE NEWS

DAAWO; Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Jsl Oo Shaaciyay Wakhtiga Lagu Dhawaaqayo Natiijada Imtixaanka.

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xiliga la shaacin doono imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyadda Somaliland.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka qaranka ayaa waxa uu sheegay in ay imtixaanaadka u fadhiisteen sannadkan arday ku dhow 30,000 oo arday, isaga oo sidoo kale fariin u diray waalidiintii ardaydii laga ururiyey Mobilada oo uu sheegay in ay qaar badan oo kamid ahi ay weli daba socdaan Mobiladaasi.
Dhanka kale Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax ayaa waxa uu sheegay in ay imtixaanaadka ku dhawaaqi doonaan 15 Bisha ugu dambayn, isaga oo intaas raaciyey in ay rajaynayaan in aanay wakhtigaasi la dhaafin.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/B3Y5HmOZygQ

 

Exit mobile version