WAJAALE NEWS

Taliye ku-xigeenkii hore ee Nabad Sugidda Soomaaliya oo laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidanka

Muqdisho (WJN) –Madaxweynaha Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, wareegtada uu soo saarey madaxweynaha Soomaaliya waxaa kalo lugu caddeeyay in laga dhigey dhammaan darajooyinkii ciidan, kaddib soo jeedin ka timid agaasimaha guud ee NISA.

Cabdalla Cabdalla, ka hor inta aan laga saarin NISA, waxaa bishii Agosto ee sannadkan laga qaaday xilkii uu hayay ee agaasime ku-xigeenka hay’adda, oo madaxweynaha Soomaaliya uu u magacaabay Fahad Yaasiin.

Sababta ay dowladda u fogeysay sarkaalka mudda dheer ka tirsanaa NISA ayaa su’aallo badan dhaliyay, balse warqad ay heshay Hiiraan Online oo Cabdalla uu u direy 2dii bishan September xeer ilaalinta ciidammada qalabka sida oo la ogeysiiyay maxkamadda ciidammada qalabka sida, wuxuu dacwad ka gudbiyay, Fahad Axmed Daahir (Fahad Yaasiin) oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu saamaynta badan Soomaaliya iyo saaxibadda ugu dhow madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sarkaalka ku soo bandhigey dacwada uu gudbiyay eedeymo culus, sida in hore muddada uu Fahad Yaasin, agaasime ku-xigeenka NISA uu hayay xilka agaasimaha madaxtooyada uu diiddey baadhitaan lugu sameeyo xubin sare oo u sheegay inuu ka tirsanaa al-Shabaab gaar ahaana kooxda u fulisa dilalka qorsheysan ,kaas oo u ka shaqaaleysiiyay madaxtooyadda, waxaa inta dheer oo warqada uu ku caddeeyay wadashaqeyn ka dhaxeeysay al-Shabaab laga billaabo sannadkii 2015 illaa 2017 saraakiisha kala ah, Xuseen Cismaan Xuseen iyo Fahad Yaasiin, isagoo warqadda ku muujiyay inuu dhammaan eedeymaha caddeeymo u helayo.

Cabdalla dacwada uu gudbiyay waxaa ka horeysay eedeymo uu usoo jeediyay taliska NISA, markii shaqa joojin lugu sameeyay intii uu xilka hayay,wakhtiga wuxuu sheegay in la jabsaday xafiiskiisa oo lagala baxay maclumaad badan.

 

Exit mobile version