WAJAALE NEWS

Magaalada Bristol oo Dabaaldega xafladu 18may ka bilaabantay iyo Safiirka Wareega ee Somaliland oo Qoraal ka soo saaray Xafladaha Magaalada Bristol‏

Safiirka warega somaliland ayaa qoral kooban kasoo saaray dabaaldage xaflada bristol waxaanu u dhignaa sidan

HARGEISA(WAJAALENEWS) Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Bristol oo ka mid ah Hormuudka Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool Dalka debadiisa ayaa waxay bilihii u danbeeyay dedaal weyn ugu jireen laba arrimood oo kala ah:
1. In Magaalada Bristol ay taageerto Aqoonsi ay hesho Jamhuuriyada Somaliland, si la mid ah talaabadii ay qaaday magaalada Sheffield
2. Iyo Sidii loo weynayn lahaa loona balaadhan lahaa Dabaaldegyo ay Jaaliyadu ugu dabaal-degto 23 guurada ka soo wareegtay Madaxbanaanida Somaliland.

Hadaba dedaalkan oo ay si aad iyo aad ah uga qayb-qaateen xubno badan oo jaaliyada ka tirsan oo ay hormuud ka ahaayeen Hablaha geesiyaasha ah ee reer Bristol oo ay ka mid yihiin:

Cllr. Hibaaq Jama, Marwo Nuura Cumar Guudle,Marwo Sucaad Cado-gude, iyo Marwo Muna Cabdi Gamuute iyo dad badan oo kale oo aanan halkan magacyadooda ku wada xusi Karin.

Hadaba waxaa Sharaf ii ah inaan Bulshada ku nool magaalada Bristol iyo Nawaaxigeeda aan ugu Bushaareeyo in ay Xafladahu u dhici doonaan sidan hoos ku qoran;

1. Maalinta Barrito ah ee Jimacaha ee ay Taariikhdu tahay 16ka May saacaduna ay tahay 12ka Duhurnimo waxaa la isugu soo baxayaa oo la isugu iman doonaa Xarunta looga taliyo magaalada Bristol iyada oo dhamaan xubnaha Jaaliyadaha laga doonayo inay isugu soo baxanaan Barxada Hore ee Bristol City Hall oo uu Cinwaankeedu yahay City Hall, College Green, Bristol BS1 5TR. Waxaa halkaas la sudhi doonaa Calanka Jamhuuriyada Somaliland waxaana laga jeedin doonaa Qudbado iyo hadalo taariikhi ah iyada oo ay Madax ka socota Xukuumada Somaliland iyo Xukuumada dalkan UK ay inagala soo qayb-gali doonaan.

Marka ay Xafladaasi dhamaato iyada oo jaaliyadeenu ay aad iyo aad u balaadhan tahay oo aan Huteel kaliyi ina wada qaadi Karin waxaanu go’aansanay in dadweynaheenu ay ku dabaal-degaan oo ay Xaflado aad u qiimo badan ku qabsadaan marka ay Xaflada Maalinimadu dhamaato labada Huteel ee ay Cinwaanadoodu kala yihiin:

1. Hilton Garden Inn, Temple Way, Bristol BS1 6BF
2. Thistle Bristol City Centre, the Grand, Broad Street, BS1 2EL

Waxaan Jaaliyada Somaliland ugu Baaqayaa inay si weyn uga soo qayb galaan Dabaaldegyadan qiimaha badan ee aynu ugu dabaaldegyano Madaxbanaanideena uguna ololaynayno sidii Qarankeena loo Aqoonsan lahaa.

Ugu danbayn waxaan halkan ka caddaynayaa in Xukuumada Somaliland ay si weyn u garab taagan tahay dedaalka Jaaliyadaheenu ay ugu jiraan sidii Qarankeena loo aqoonsan lahaa, waxaanan uga digayaa kuwa warxumo tashiilka ah ee Cadawgu ku shaqaysto ee had iyo goor ku foogan inay xumaanta iyo shakiga ku dhex ridaan Jaaliyadaheena, waxaanan ugu baaqayaa in Gacmaha la is qabsado oo laga fogaado wax kasta oo wiiqi kara wadajirkeena.

Waad mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland

kaysar@diplomats.comr

Exit mobile version