WAJAALE NEWS

Mareykanka oo Dhimaya Qaxootiga Afrika iyo Bariga Dhexe

Hargeysa (WJN)- Wasaaarada arrimaha dibada Mareykanka ayaa soo jeedineysa in ay Mareykanku qaabilaan tiro ka yar qaxootigii la qorsheeyey sanadkii hore in ay ka yimaadaan wadamada Africa iyo Bariga Dhexe, iyagoo doorbidaya in ay kordhiyaan qaxootiga ka yimaada dalalka Asia, Yurub, Latin America iyo Caribbean-ka sanadaha soo socda, sida lagu sheegey qoraal wasaarada laga heley.

Afhayeenka wasaarada ayaa ku xaqiijisey email jiritaanka qorshahaas oo markii u horeysey ay baahisey jariidada Politico.

Tiradan ayaan aheyn mid kama danbeys ah, oo la isku raacay balse wasaarada arrimaha dibada ayaa u sheegtey VOA todobaadkii hore in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay wadatashi kala yeelanayaan arrintaas Congress-ka ka hor inta aanu dhamaan sanad howleedka dowlada oo ku eeg 30-ka bishan September.

Ka dib wadatashigaas ayaa la filayaa inuu madaxweyne Trump soo saaro baaqa sanadlaha ah ee madaxweynaha kaasoo xaqiijin doona waxa loogu yeedho tirada qaxootiga sanadka soo socda loo ogolaan doono Mareykanka.

Isbedelka lagu sameeyey goobaha ay qaxootigu ka yimaadaan ayaa ka mid aheyd soo jeedin la doonayey in lagu dhimo tirada qaxootiga Mareykanka la dejinaayo sanadka 2019-ka oo ah 30,000. Tiradan ayaa ah tii ugu yareyd qaxooti dalkan yimaada sanad taariikhda.

 

Exit mobile version