WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Soomaaliya oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Siyaasiyiinta Ka Soo Horjeeda Dowladdiisa

Muqdisho (WJN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khudbad ka jeedinayay munaasabad loo qabtay daah furka dib –u-habeynta waxbarashada, ayaa weerar Afka ah ku qaaday madaxda dowlad gobolleedyada iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda dowladdiisa.

Madaxweynaha oo is ticmaalay Eraga ah Siyaasiyiinta xanaaqsan ayaa yidhi’’ Siyaasiga xanaaqsan waxay ka hadlaan Beesha Caalamku Hanoo timaado hana dhex dhexaadiso, waxaa ay ka hadlaan calaacal, waxay ka hadlaan dalkan waa burburay ma soo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar ma laha, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay maaha waa hadal calaacal ah ”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo.

“Siyaasiga xanaaqsan waa kan dadka qalbi jabka iyo niyad jabka ku riday, wuxuu sababay in ay is dhibaan, qofka bani’aadamkana markaad rajadii ka qaado waad dishay , dhimashaa dhaanta, Siyaasiga xanaaqsanow shacabka ha naga qalbi jebinina , Siyaasiga xanaaqsanow dadka rajada ha ka qaadina”

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa imanaya xili uu qabsoomi waayay labo muddo todobaad gudihii ah oo uu ku baaqay, waxaana ugu horeeyay shir uu isugu yeedhay madaxda dowlad gobolleedyada maalin uun kaddib markii ay ku dhawaaqeen in ay xidhiidhka u jareen dowladda, laakiin madaxda maamul gobolleedyada ayaa ku gacan saydhay ka qeyb-galka shirkaas.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa kulan isugu yeedhay xarunta madaxtooyada Soomaaliya madaxda Galmudug si loo xaliyo khilaafka dhaxdooda ah, balse waxaa shirkaa ka hor yimid madaxweynaha Galmudug Xaaf oo sheegay in khilaafka u dhaxeeya Galmudug markii hore-ba ahaa mid laga soo abaabulay sida uu hadalka u dhigay madaxtooyada Soomaaliya.

Exit mobile version