WAJAALE NEWS

Madaxweynaha DDS oo Ciidamada Liyuu Booliska Ugu Baaqay Inay Ilaaliyaan Xuquuqda Aadanaha

Jig Jiga (WJN)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa ciidammada Liyu booliska ugu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda aadanaha marka ay gudanayaan howlaha loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa ciidammada Liyu booliska iyo ciidammada booliska caadiga kula dardaarmay inay dhowraan sharciga dalka islamarkaasna ay ka shaqeeyaan danaha shacabka.

“Waa in aad fulisaan dardaarankeeni ahaa in xuquuqda insaanka la ilaaliyo, oo wixii hore aad qabanayseen ee shaqooyin ahaa ee faraha badnaa aad ku dartaan in dadkii aad ka dhalteen ee aad u dhalateen iyagana aad ka farxisaan darajooyin iyo abaal gudyo baad heli doontaan” ayuu yidhi madaxweyne Mustafe Cumar oo la hadlayay ciidammada booliska.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidammada inay iska ilaaliyaan tallaabo kasta oo xadgudub u horseedi karta shacabka ayna ku dadaalaan anshaxa iyo dhaqan wanaaga marka ay howshooda gudanayaan.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay kala amar qaadasha ciidammada dhexdooda waxaanu yidhi “Hadday noqoto qaabka amar qaadashada qaabka loo wada shaqaynayo loo xidhiidhiya waxyaabo sharciga qoraya ayaa jiraa kuwaa aan raacno, uma baahnin wixii cusub, wixii qoran ee meel ku yaalla ayaan raacaynaa”.

 

Exit mobile version