Hargaysa(w.n) Madaxwaynaha Jamhuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa saaka u anbabaxay safar ay gabiley ku tageen kaasi oo sida la sheegay ay ujeedadiisu tahay ka qaybgalka xaflada qalin jabinta ardayda jaamacada tima cade university
Sidoo wararka safarka madaxwyanaha aan ka helayno ayaa tibaaxay in uu hal habeen ku sugnaan doona magaaladaa gabiley kaasi oo laasheegay in ay ujeedadiisu tahay sidii shacabka gobolka gabiley ugu qancin lahaa sobobta uu u dhamaystri waayay balanqaad yadiisii gobolnimo ee gabiley iyo duruufaha u saamixi waayay mudadaa lixda sano ahayd ee uu xilka hayay.
Balse shacabka gobolka gabiley ayaa lasheegay in ay iyagu la sugayaa su,aalo ah wax hortaagan dhamaystirka gobolnimadii gabiley iyo sobobta uu u fulin waayay balanqadkii
Wixii kasoo kordha kala soco shabakada wararka ee wajaalenews.net
Hargeisa office