WAJAALE NEWS

Maayerka Ceerigaabo oo Dhaliilay Qaabka Uu U Shaqeeyo Mashruuca Horumarinta Somaliland Ee SDF

Ceerigaabo (WJN)- Maayerka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, ayaa dhalliilay qaabka uu u shaqeeyo Mashruuca horumarinta Somaliland Development Fun ee loo soo gaabiyo SDF, kaas oo uu sheegay inaan waxba looga qaban gobollada iyo degmooyinka Bariga Somalialnd, hase-yeeshee, looga faa’iideeyo gobollada Galbeedka, waxaanu ku dooday in laga eexday gobollada Barri.

Waxa uu duqa degmada Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur sheegay inay jiraan Wasiirro Xukuumaddii hore iyo Xukuumaddan hadda ee Muuse Biixi xilal ka hayey, kana haya oo aan weli arag magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag toona, waxaanu soo jeediyey in loo baahan yahay in loo sinnaado Mashaariicda horumarinta Somaliland ee laga fuliyo Sanduuqa SDF.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/vPT3gJSYcuk

Exit mobile version