WAJAALE NEWS

Daawo: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Guddoomiye-Yaasha Xisbiyada UCID Iyo WADDANI

Hargeysa (W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Axad ah kulan gaar ah xarunta qasriga madaxtooyada kula yeeshay Gudoomiyeyaasha labada xisbi-mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe), waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan xisbiga KULMIYE.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/Ho0VqqfoCQI

 

Wariye: Xamsse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

Exit mobile version