Hargeysa (WJN)- Bayaan kasoo baxay xukuumadda UK ayaa lagu sheegay inay rabshado ka dhici karaan magaalada Addis Ababa oo ay ka jiraan isu soo baxyo lagu soo dhawaynayo hoggaamiyeyaasha Ururka Xoreynta Oromada oo la filaya in maanta ay soo gaadhan dalka Itoobiya.
Dalka Britain ayaa muwaadinitiisa ku sugan dalka Itoobiya uga digay inay tagaan goobaha isu soo baxyadu ay ka dhacayaan maanta islamarkaasna ay feejignaadaan.
Shaqaalaha u dhashay UK ee dalkaasi jooga ayaa lagula taliyay inaysan tegin fagaaraha Meskel ee ku yaalla magaalada Addis Ababa halkaaso maanta ay taageerayaasha Oromada ay munaasabad soo dhawayn ah ugu qabanayaan hoggaamiyeyaasha ururka OLF.
Deegannada digniinta laga soo saaray waxaa kamid ah, Deegaannada Akobo, Wantawo, Jikawo ,Lar, Nuer Jore woreda oo ka tirsan maamulka Gambeelada, Nogob, Dhagaxbuur, Godey, Qoraxeey iyo Doolow oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Sidoo kale waxaa kamid ah deeganno gaar ah oo ku yaalla xadka Itoobiya uu la wadaago dalalka South Sudan, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya.
Hadalkan kasoo baxay dowladda UK ayaa kusoo begmaya xilli maanta magaalada Addis Ababa ay soo gaadhayaan Jabhadda Oromada ee OLF oo ku dhawaad nus qarni dagaal hubeysan kula soo jirtay dowladda Itoobiya.