WAJAALE NEWS

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) oo maanta si rasmi ah xilkii wasaaradaasi ugala wareegay

Hargeysa (Wajaale News)- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa maanta si rasmi ah xilkii wasaaradaasi ugala wareegay Wasiirkii hore ee wasaaradaas Dr. Xuseen Muxumed Maxamed ( Xuseen Xoog).

Munaasabad balaadhan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Caafimaadka ayna ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, hay’adaha caalamiga ah iyo ururada waddaniga ah ee wada shaqaynta la leh wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa halkaa hadal ka jeediyey Cabdi Axmed Nuur ( Cabdi Gurey) agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo sharaxaad ka bixiyey qaybaha ay ka kooban tahay wasaaradda caafimaadka iyo waxyaabahii u qabsoomay mudadii uu wasiirkii hore xilka hayey, halka sidoo kalena uu tilmaamay qorshayaasha u degsan.

Wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Dr xuseen Xoog oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddu tahay wasaarad balaadhan hawl badana ay ka qabteen dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Wasiirka cusub ee wasaaradaasi Dr saleebaan Ciise Axmed oo isna munaasabadaa hadal ka jeediyey ayaa u mahadnaqay wasiirkii hore, waxana uu ku ballanqaaday inuu dardargelin doono hawlaha wasaaradda, una adeegayo bulshada uu wasiirka u yahay.

Dhanka kalena Wasiirka cusub ee wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil ayaa maanta si rasmi xilkii wasaaradaasi ugala wareegtay wasiirkii hore ee wasaaradasi Mudane Maxamuud Siciid Gacamey.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Hotel Imperial ee magaalada Hargaysa ayna ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo qaar ka mid ah gudiyada ururada haweenka Somaliland ayaa wasiirkii hore ee wasaradaasi Md gacamey waxa uu ka codsaday shaqaalaha wasaaradda inay si habboon ula shaqeeyaan wasiiradda cusub, halka sidoo kalena uu faahfaahiyey shaqada ay u xilsaaran tahay iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadii uu xafiiska joogay.

Wasiirka cusub ee wasaaradaa deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil ayaa munaasabadaasi ka sheegtay inay shaqsiyan wada shaqayn la lahayd wasaaradan tan iyo markii la aasaasay, wasaaraduna wada shaqayn la leedahay wasaarado iyo hay’ado kala duwan, halka sidoo kalena ay wasaaradda ku tilmaantay mid wada shaqayn la leh bulshada dhexdeeda gaar ahaan dadka ku nool miyiga iyo tuulooyinka.

Wajaale News Desk

Hargeysa Somaliland

 

Exit mobile version