Muxuu Daarnaa kulankii Haweenka Kulmiye La qaateen Madaxeynihii Hore Somaliland iyo dareenka ay ka bixiyeen Dadwaynaha Degan Agagaarka Villa Siilaanyo.
Hargeysa (WJN)- Qaar kamida Haweenka Xisbiga Kulmiye ayaa maanta booqasho ugu tagay Madaxwaynihii hore ee Somaliland kaasi oo ay kula qaateen guriga uu ka dagan yahay magaalada Hargeysa oo ku yaala xaafada shacabka.
Kulan ay haweenka Kulmiye la qaateen Madaxwaynihii hore Somaliland Axmed Siilaanyo islamarkaana ay ku gudoonsiiyeen hadiyado kala duwan ayaa ahaa mid abuuray dareeno kala duwan kuwaasi oo ay ka bixiyeen bulshada ku nool agagaarka qasriga Villa Siilaanyo oo dhawr Boqol oo talaabo u jira xaafada state house ka oo ay ku nool yihiin kumanaan qoys oo danyara islamarkaa xiligan la ildaran duruufaha nolosha iyo biyo la,aan baahsan.
Farduus Aw Cali oo ka mida Hooyooyinka ku nool xaafada State house-ka oo saaka markii ay haweenka kulmiye ku soo qulqulayeen guriga siilaanyo la kulantay ayaa dareenkeeda ka bixisay arinta iyada oo arrintaasi ka hadleysa ayaa waxa ay tidhi.”Waxaan fajiciso igu noqotay kadib marii aan la kulmay haween tiro badan oo sita ubaxyo iyo alaabo kala duwan kuna sii qulqulayay gurigan Siilaanyo waxay indhahaygu qabteen gudaha gurigan oo aad yaabto dhirta lagu beeray aanad moodayn in aanu ku yaalin Somaliland iyo dabaal dagan haweenka, Waxaan wax laga xumaado ah in wali dadkii hantida dayarta ku tagri falay ee biyihii Hargaysa dhaqaalahoodii iyo dhulkii dawlada ka dhisay guriga noocaasi ah in wali ku dabaal dagayaan dadkayagan danyarta ah hortooda ee biyihii ay cabi lahaayeen kusoo dhaansanaya dhabarkooda hadana lala soo doontay farxada iyo bakhaan bakha”.
Sidoo kale Faadumo cumar dagaal oo iyana ka mida haweenka dagan xaafada state house ayaa arinntan ku tilmaantay wax lalayaabo waxaanay ay tidhi.”hooyo marka aan maqlo xukuumadii Siilaanyo iyo haweenkii ay gacanta u gashay awooda dawladu waxaan islahaa way isqarin doonaan oo dadka lasoo doonan mayaan falalkan nooca ah balse wakaa garaadkoodu wali Siilaanyo oo xoolihii umada ku tagri falay ay dadka lasoo hor istaagayaan waa nelsan madelaha Somaliland, lacagta gurigan lagu dhisay waxay biyo u soo saari lahayd magaalada Hargeysa waxaan Madaxwayne Muuse Biixi u soo jeedin lahaa in uu ka daba tago hantidii ay lunsadeen Xukuumadii Siilaanyo, Hooyo Agagaarka xaafada state House-ka waxaa ku yaala dhismayaal badan oo waawayn ayna dhisteen Wasiiradii Xukuumada Siilaanyo kuna kacay malaayiin dollar wali qaarkood socdaan, Hadaanu nahay dadka dagan xaafada State House-ka waxaanu Xukuumadii Siilaanyo ku xasuusan doonaan musuq maasuq iyo boob. Ayay hadalkeedii ku soo koobtay Faadumo Cumar.
Talaabadan haweenka Xisbiga Kulmiye iyo tii shalay uu horkacaya Wasiirkii hore ee Wasaarada Qorshaynta Maxamed Ibraahim Qabo ee ku wehelinayay Siilaanyo oo tamashlayn ku tagay dawga isku xidha Bali-gubadle iyo Hargeysa ayaa u muuqata mid xubnihii hore ee xilalka ka hayay Xukuumadii Siilaanyo ay fariin ugu dirayaan Madaxweynaha xiligan Muuse Biixi Cabdi oo mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa sidii looga daba tagi lahaa musuq maasuqii ay ku kaceen xukuumadii Siilaanyo iyo goobihii muhiimka ahaa ee ay sida sharci darada u xaraashtay ayaa muquuta in kooxihii kamidka ahaa Xukuumadii Silaanyo iyo haweenkii ka ag dhawaan ay wakhtigan ku hawlahan yihiin sidii ay u muujin lahaayeen awoodada iyagoo bulshadii ay hantidooda ku tagrifaleen ka raadiyaan tageero iyo amaan ay ku xardhaan.
Maaha markii u horaysay ee ay dhaq-dhaqaaq noocan oo kale ay bilaabaan golihii hore ee Xukuumadii Siilaanyo iyo qaar kamida haweenkii qasriga Madaxtooyada awooda maamul kulahaa waxaana shir isla gurigan Siilaanyo ku qabtay safiirka xiligan Somaliland u jooga dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar kaasi oo isku keenay badi Wasiiradii hore ee Xukuumadii Siilaanyo.
WARIYE: XAMSE JIRDE
WAJAALENEWS DESK
HARGEYSA OFFICE
WAJALENEWS@GMAIL.COM