INAALILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN.
HARGAYSA(W,N) Rabi naxariistii jano haka waraabiyee waxaa goor dhawayd cisbitaalka wayn Ee magaalada Hargaysa ku Geeriyooday Marxuum Oday Jaamac Nuur Xasan oo mudooyinkii u danbeeyay xanuunsanayay.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa Ganacsatadii door wayn kasoo qaatay taakulaynta Ciidanka SNM Ee Dib u xoraynta gayiga Somaliland isagoo Halgankaasi usoo galay jeel iyo dil ay ku Xukuntay Taliskii Mucagaga ahaa ee Siyaad bare kuna jiray odayaashii laga soo jabiyay jeelka Madheera Sidoo kale Marxuum Jaamac Nuur ayaa kamid ahaa odoyaashii doorka muuqda kasoo qaatay dib udhiskii Jamhuuriyada Somaliland isaga ka mid ahaa ragii waqtigaas naf iyo maalba usoo huray.
Sidoo kale marxuum Jaamac Nuur Xasan Ayaa ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay xisbiga Kulmiye isaga oo waqti badan iyo maskaxba galiyay sidii xisbiga Kulmiye mar uun xukunka dalka u qaban lahaa, waxaanu ahaa baalasha uu ku duuli jiray xisbiga Kulmiye mudooyinkii uu talada dalka u ordayay isaga oo tiir dhexaad u ahaa guulihii xisbiga kulmiye ku hantiyay talada dalka.
Marxuumka ayaa waxay saaxiibo dhaw ahaayeen madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi
Taariikhda Marxuum Jaamac Nuur ayaan ahayn mid halkan lagu soo koobi karin
Waxaana Halankan Tacsi tiiraanyo leh udiraya Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu ka Baxay Marxuum Jaamac Nuur Odoyaasha iyo madaxdhaqameedkan hoos ku qoran,
Waxayna Ilaahay uga baryeen in qoyska iyo qaraabadii iyo umada Somaliland uu ka baxay Samir iyo Iimaan kasiiyo
Marxuumkan waxay ilaahay uga baryeen in uu ilaahay su,aasha ufududeeyo janatul fardowsa raxmaan ku geeyo
Waxaana Marxuumka Maalinta Barrito Ah Lagu Aasi Doonaa Haddii Alle Qadaro Xabaalaha Baqiic ee hore loo odhan jiray Sh Aadan Siiro.
AAMIN AAMIN
Caaqil Maxaamed Cabdi Qawdhan
Cheef Caaqil Dayib cabdi Ciidle
Caaqil Muuse Ciise XIrsi
Oday xaashi cismaan dholaal
Oday Muuse muxumed guuleed (muuse inji)
Ciise Sheekh Muxumed Warsame
Caydaruus Sheekh Yuusuf Bulaale
Maxamed Ciise Jimcaale
Muj Gen maxamed Xasan Cabdilaahi Jidhif
Mustafe Kaamil Ciiise
Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan.
Axmed Xaaji Barkhad
Axmed Cabdi Muuse Axmed Ini
Dr Muuse Qaasim Aw Cumar
Cawke Jaamac Gadiid
Cabdilaahi Xuseen Daa,uud
Cabdiraxmaan Aadan Jaamac
Cabdicasiis Cabdilaahi Caalin
Cali Cabdiqaadir Muxumed
Xasan Cali Aaden
Mukhtaar maxamed muxumed
Maxamed Cali Aaden