WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah ;Qarax Xoogan Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Iyo Khasaaraha Uu Sobobay.

BUUHOODLE(W,N)Qarax xoogan oo ayaa Canbaaro  salaadii makhribka kadib ka dhacay magaalada buuhoodle gaar ahaan xaafada xaaji hiirad kasoo horjeeda masaajidka jaamac dheere dhankiisa bari  kaasi guud ahaan laga maqlayay guud ahaan  Magaalada buuhoodle.

Wararka Aanu ka helayno magaalada buuhoodle ayaa sheegaya in qaraxani uu sobobay khasaare dhismashada laba qof iyo  dhaawaca laba kale   wali aan si rasmiya loo ogaan dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacba tiradooda balse dadka agdhow ayaa sheegaya in ay arkayeen dhaawac iyo dhimashoba leh.

Qaraxan ayaa la sheegay in ay dadka wax ku noqdeen ay jiraan xubno siyaasiyiin ah oo qaarkood xilal kasoo qabteen dawladihii kala danbeeyay ee maamulka muqdisho. qaraxa ayaa la sheegay in uu ka kacay gaadhi 

 

Magaalada buuhoodle ayaa ha magaalo gacan ku haynteeda ay ku muransan yihiin maamulka garoowe iyo dawlada Somaliland oo midka dhiniciisa ka soo magacowda xubna ka socda maamulkooda taasi oo xiliyada qaar sobobta isku dhac labada dhinac ah.

Dhanka kale magaalada buuhoodle ayaa   xuduud la wdaagta dawlada etoobiya.

 Majirto cid sheegatay  masuuliyada qaraxan iyo waxa sobobaytoona ‘

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WAJAALENEWS  DESK

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version