Waxayna mas’uuliyiintani intaasi ku dareen in aanan la ogayn halka uu jiro madaxweynaha dowladda deegaanka Itoobiya.
Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee dowlada deegaanka Itoobiya waxay sheegayaan in ciidamo military oo wata gawaarida gaashaaman magaalada gudaheeda lagu arkayay.
Mas’uuliyiinta dowladda deegaanka waxay sheegeen in ciidammada ay isku gadaameen xarumaha dowladda ee ku yaalla magaalada.
Lama ogo sababta ka dambaysay dhacdada ay militariga kula wareegeen magaalada.
Warbaahinta Adis Standard ayaa barta Twitter-ka kusoo bandhigtay sawirro muujinaya ciidammada militariga oo saaran baaburta gaashaman oo ku sugan magaalada Jigjiga.
Waxay intaasi ku dartay in ciidammada ay gaareen caasimmada dowlad deegaanka kaddib markii ay guuldaraysteen isku dayo loogu yeerayay madaxweyne Cabdi Cumar Maxamud.
Kala soco wixii warara ee ka soo kordha wajaalenews.net
WARIYE ABDIQADIR HABBANE
WAJAALENEWS.NET