WAJAALE NEWS

War Deg Deg Ah: Ciidamada Milateriga Itoobiya oo Hada Qabtay Madaxweynihii Hore DDSI Cabdi Maxamuud Cumar

Jigjiga (WJN)- Wararka naga soo gaadhaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidammada militariga federaalka qabteen.

Dad ku sugan Itoobiya ayaa noo xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud cumar la qabtay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Maxamuud Cumar ay militariga u kaxaysteen magaalada Addis Ababa.

Shalay ayay hayd markii madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Shabakada Wajaalenews.net

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS.NET

HARGEYSA OFFICE

Exit mobile version