NARIOBI(W,N) Wafti ka socda xukuumada Somaliland oo safar ku jooga dalka Kenya ayaa kulan muhiim ah Magaalada Nariobi kula qaatay Siyaasi Cabdikariim sheikh Muuse Qalbi Dhagax oo dhawaan laga soo daayay xabsi ku yaala dalka etoobiya.
Waftigan ka socday xukuumada somaliland ayaa Waxaa kamid ahaa Wasiirka iIsgaadhsiinta iyo Technoolajiyada Dr Cabdiwali Suufi Jibriil Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Wasiirkii hore ee wasaarada Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse, Safiir kuxigeenka dalka Kenya iyo xubno kale .
Kulankan waftiga Somaliland la yeesheen Siyaasi Cabdikariim Qalbi Dhagax ayaa ahaa mid saacado qaatay wallow aan warbaahinta la ogolaan shirkan xubanahan ka socday xukuumada Somaliland ayaa siyaasi cabdikariim qalbi dhagax gaadhsiiyay salaam ay reer somaliland uga sideen iyo sida reer Somaliland diyaarka ugu yihiin Imaatinka Somaliland.
iyadoo siyaasi cabdikariim qalbi dhagax ay hore dawlada somaliya u gacan galisay dalka etoobiya taasi oo dhaawac ku noqotay hanaanka siyaasadeed maamulka muqdisho .
Dhanka Kale siyaasi cabdikariim qalbi dhagax ayaa sheegay in dhawaan uu imanayo Somaliland isagoo xusay in reer Somaliland ay yihiin dad iyo dal agtiisa qiimo wayn kule.
kulankan ayaa mid muhiim u ha siyaasada guud ee somaliland iyo xidhiidhka siyaasadeed ay ku yeelan doonta deegaana somalia etoobiya oo xiligan siyaasi cabdikariim qalbi dhagax kamid yahay xubnahan ugu saamaynta badan,
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM