Jigjiga (WJN)- Warbixin ay maanta soo saartay hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa waxaa ay dawladda Itoobiya ugu baaqday in ay samayso baadhitaan madax bannaan oo qoto dheer oo ay ku samaynayso tacadiyadii aadanaha iyo meel ka dhacyadii xeerarka dagaalka ee sannadaha badan ka socotay dawlad deegaanka Soomaalida Iyoobiya.
Hay’addu waxay dalbatay in aan dadkii tacadiyadaas ka dambeeyay la isku qabanin ee mid mid loo kala qaado.
Waxay magacooda si gaar ah u xustay madaxweynihii hore ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo Taliyaha ciidammada Liyuu Booliiska Cabdiraxmaan Cabdullaahi Buraale (Cabdiraxmaan Labo Go’le) iyadii dalbatay si khaas ah loo baadho doorkii ay ku lahaayeen waxa dhacay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://youtu.be/BZZ9JZrDx9s