Hargeisa (WAJAALENEWS ) Wafti Xaqiiqo raadin iyo indha Indhayn u socda oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka Ururka dhalinyarada subeer awal ayaa manta ugu baxay kormeer deegaanada waqooyiga waftiga oo caawa casuumad loogu sameeyay deegaanka ceel sheikh ayaa dadka deegaanka kala hadlay xaaladaaha deegaanadaas iyo wax yaabaha daruuriga ah ee ay u baahan yihiin.
Waxa kale oo ay bari kulano la yeelan doonaan gudiyada bulshada ku dhaqan degmada bulaxaar ee gobolka saaxil oo ay iyagana xogo ku saabsan baahiyaadka aasaasiga ah ee ka jira deegaanadaas. Waxa kale oo deegaanada ceel-sheekh iyo bulaxaarba kala hadlayaan xubnahan ka socda Ururka JIIDALI arimo la xidhiidha diwaan galinta muwaadiniinta Somaliland
Waftigan oo ka kooban 5 xubnood oo uu horkacayo Gudoomiye Ku Xigeenka Ururka Subeer Awal ee Jiidali Mudane Xamse xasan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdikariim, Maxamed Soofe Dr Cabdihakiin Siciid Oo ah Xoghayaha ururka jiidali waftigan ayaa safarkoodu qaadan doonaa mudo 2 cisho ah
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM