WAJAALE NEWS

Muddo Kordhin Intee Leeg Ayaa La Filayaa In Loo Kordhiyo Golaha Wakiiladda JSL?

HARGAYSA(W,N)- Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa xaqiijiyay in ay soo gaadhay qoraal lagaga dalbanayo in mudo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada Somaliland markii shanaad taasi oo katimid sida sharciga madaxwaynaha Somaliland maadaama uu dhamaad yahay mudo xileedkii hore ee loo kordhiyay golaha wakiiladu.

Hadaba mudo kordhin intee leeg ayaa lafilan karaa in loo sameeyo golaha wakiilada jsl iyadoo aanay muuqanin rajo doorashooyink ku qabsoomi karaan?

Hadalhaynta mudo kordhinta golaha wakiilada ayaa ah mid siwayn u hadal hayaan shacabka reer Somaliland iyadoo ka hor intii aanay ansixin 6xubnood ee komishanka doorashooyinka oo qaarkood lagu moransan yahay ay soo baxeen warar sheegaya in gudoomiyaha golaha guurtida oo u kala dab qaadaya xukuumada iyo golaha uu xildhibaanada golaha wakiilada u balan qaaday in loo samayn doono mudo kordhin 2sanadood ah wallow warar kalena sheegayaan in mudo labo sano ka badan lagu wado in loo kordhiyo mudo xileedka golaha wakiilada,

HALKAN KAGA BOGO FALANQAYNTA MUDO KORDHINTA GOLAHA WAKIILADA;

 

Exit mobile version