Adis Ababa(W,N) Kulan ay maanta wada qaateen Madaxweynaha Cusub Ee DDSI iyo jabhadda Wadaniga xoraynta Ogadenia ( JWXO) ayey isku afgarteen qodobo ay ka mid ahaayeen :
HALKAN KAGA BOGO NUXURKA 7QODOB OO ISKU ARGARTEEN;
1; In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF;
2; In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida;
3; In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan;
4; In wadahadlo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan;
5; In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo Isnaceyb;
6; In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka;
7; In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM