|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Cusub Ee DDSI Oo Shaaciyay Kulan Ay Wada Yeesheen Madaxda Jabhada ONLF Iyo Nuxurka 7 Qodob Oo Ay Isku Afgarteen.
August 25, 2018 - Written by Editor:Adis Ababa(W,N) Kulan ay maanta wada qaateen Madaxweynaha Cusub Ee DDSI iyo jabhadda Wadaniga xoraynta Ogadenia ( JWXO) ayey isku afgarteen qodobo ay ka mid ahaayeen :
HALKAN KAGA BOGO NUXURKA 7QODOB OO ISKU ARGARTEEN; 1; In si deg deg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF; 2; In jabhadu ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga biloowdo deegaanka Soomaalida; 3; In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan; 4; In wadahadlo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan; 5; In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo Isnaceyb; 6; In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka; 7; In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mr Salici Oo Maanta Shahaadooyin Gudoonsiiyay Ardayda Jaamacada Sh... Wafti ka socda Dalka Jabuuti oo la filayo Inay Somaliland u Yimaadaan soo Af-jarida Baadhitaanka Qar... DAAWO;Xubintii Xisbiga Ucid Ee Komishanka Cusub Oo Warbaahinta La Hadlay, Muxuuse ka Yidhi Mawqifka ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|