Hargeysa (WJN)- Kulan balaadhan oo mudo laba cisho ah u socday Suxufiyiinta ka hawl gala Websit-yada, islamarkaana lagu naaqishayey tayaynta iyo qaabka ay u shaqeeyaan warbaahinta Onlen-ka ayaa waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ay si wadajira isaga kaashadeen Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Ururka Suxufiyiinta ee Solja ayaa waxaa xidhitaankiisa hadalo dar-daaran ah iyo guubaabo ah ka jeediyay Masuuliyiin ka socda Wasaarada arrimaha dibada, xubno ka mid ah ururka Solja.
Tobabarkan waxaa muddadaasi labada cisho ah ka qayb-qaadanayay ilaa 40 ka mida suxufiyiinta ka hawl gala Website-yada ee ka hawlagala gudaha magaalada Hargeysa.
Ugu danbayntii tabobarihii bixinaya duruustaasi Cabdi Casiis Haaruun ayaa gaba-gabadii kulanka la dar-daarmay suxufiyiinta shirkaasi u dhamaaday in ay ka faa’iidaystaan duruustii ay barteen mudada labada cisho ah ee uu socdo kulankaasi.
Wariye: Xamse Jirde
Wajaalenews.net
Hargeysa Office
Wajalenews@gmail.com