WAJAALE NEWS

“Dowladda Soomaaliya wali kamay bixin nimaadkii Kumeel Gaadhka”.Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Hargeysa (WJN) – Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalmihii ugu danbeeyay socdaal ku marayay dalalka dibeda ayaa warbixin guud ka siiyay Soomaalida ku dhaqan magaalada Toronto xaalada guud ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in maanta Soomaaliya meel wanaagsan joogto marka loo eego halkii ay ka timid’’ Annaga Shaqsi-yana waxaan aamin-sanahay in Soomaaliya meelwanaagsan joogto marka loo eego halkii ay-nu ka nimid, dowladnimada Soomaaliya wixii ka danbeeyay bur burkii waxaa ay ka soo bilaabatay Jabuuti oo lagu soo dhisay dowladdii uu madax-weynaha ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad Xassan, waxaa ku xigtay tii Nairobi ee uu madaxweynaha ka soo noqday Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ilaa markii danbe dowladdii aan Anniga ka midka ahaa soo gaadh-siiso dalka in 2012-kii gudaha wadanka lagu doorto madaxweyne’’ ayuu yidhi Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa uu sheegay in dowladdaha oo dhan hababkii ay u soo dhismeen ahaayeen kuwo isku nooca oo odayaasha dhaqanku soo xulayeen xildhibaannada, inkastoo markii danbe la ballaadhiyay oo la gaadhsiiyay gobollada dalka in ay ergo ay soo xulaan xildhibaannada.

‘’Hadda waxeynu rab-naa in xisbiyo doorashada lagu galo, waayo sida aad og-tihiin wali dowlad-nimada Soomaaliya kama bixin Ku-meel-gaadh, in ay Ku-meel-gaadh ku jirtana waxaaba daliil u ah waxaa ka furan xafiiska Qaramada Midoobey ee uu madaxda ka yahay qofka wakiilka ka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, haddii aad maqasho wadan uu joogo wakiil SRSG waa wadan wali gacanta lagu hayo oo aan ka bixin Ku-meel-gaadh, ma joogaan Kenya, majoogaan Itoobiya, ma joogaan Uganda, Sudan iyo wadamada daris-keena ah sida Eritrea sababtoo ah dowlad-nimadooda ayaa la ictiraafsan yahay ayuu yidhi ‘’ Cabdiraxaan Cabdi Shakuur Warsame.

Wuxuu sheegay in watiga kala guurka iyo ku-meel-gaadhnimada Soomaaliya looga bixi karo oo kaliya marka la helo uu ciidan Soomaaliyeed oo amniga kala wareega ciidamada AMISOM oo hadda ilaaliya madaxda iyo hay’addaha dowlada, taasoo muujineysa ayuu yidhi wali Soomaaliya aysan u madax-bannaaneyn go’aamadeeda siyaasadeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale soo hadal qaaday sida wakhtigan loogu baahan yahay dowlad-nimo la wada leeyahay oo an ku dhisneyn ayuu yidhi Kiligii-talis-nimo, laakiin ku timaada Dimuquraadiyad iyo is ogolaasho.

Dhinaca Amniga ayuu sheegay in dowladda hadda jirta ay ku fashilantay isaga oo tusaale u soo qaatay weerarkii lagu qaaday bil ka hor xarunta Wasaaradda Amniga gudaha, iyo magacaabista sida uu hadalka u dhigay guddoomiyayaal maxkamadeed iyo xeer-ilaaliyayaal aan waligood ka shaqeynin arrimaha garsoorka iyo cadaallada.

Isagoo arintan ka hadlaya ayuu yidhi’’ Hadda Ra’iisal wasaaruhu waxaa uu wadaa isla xisaabtan hay’addaha fulinta ah, sidaa loola xisaab-tamayaa tusaale ahaan mas’uuliyiinta Amniga, markii uu falkaasi dhacay kaddib, halkii ay bulshadu filayeen in lala xisaab-tamo mas’uuliyiinta wasaarrada Amniga waxaa xilkii laga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Aw-qaafta oo ah labo arrimood oo aad u kala fog, sidoo kale waxaa maalin walba la magacaabayaa guddoomiyayaal maxkamadeed aan waligood ka soo shaqeyn arrimaha garsoorka iyo cadaallada [oo Aan Aqoon u Laheyn] ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

‘’Dastuurka Soomaaliya waxaa la qoray 1982, qofka noqonaya guddoomiyaha maxkamada sare waxaa ku qoran in Shan sano uu soo ahaa guddoomiye maxkamad degmo, Shan sano in uu soo ahaa guddomiye maxkamad gobol, Shan sano in uu soo ahaa guddoomiye maxkamad racfaan iyo in uu Shan sano soo ahaado guddoomiye maxkamada, ka waran marka haddii aniga waligey maxkamad iyo meel ay ku taalo tagin haddii leyga dhigo guddoomiye maxkamad sare’’ ayuu yidhi Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Dhinaca kale waxaa uu siweyn u dhaliilay habka loo dhisayo hay’addaha amnig iyo bixinta darajada ciidamada isaga oo tusaale u soo qaatay magacaabistii ugu danbeysay ee uu sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

‘’Waan ogolnahay in dhalinyarada fursad la siiyo, hadda waad ogtihiin wiil iyo gabdho dhalinyaro ah ayaa hay’addaha Amniga loo magacaabay, laakiin in lagu yidhaahdo Nin dhalinaro ah oo meel iska joogay oo xidig ka gaadhay darjada ciidamada in mar kaliya la dhaho S/Guute ayaa tahay ee xilkan qabo, waxaa ka habooneyd taa in yidhaahdo darjadii ayaa hoos loo dhigay oo Kabtan ayaa ugu sareeya ciidamada, sidaa daraadeed ma rabno in hay’adda amni oo been ah in aan dhisno oo dad gaara leysaga taxo’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur sidoo kale waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in si loo dhiso dowladnimada Soomaaliya wax laga qabto Lix qodob oo Saddex ka mid ah uu ku sheegay Amniga halka saddexda kalana siyaasada la xidhiidho.

Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in hay’addaha Amniga dalka iyo cadaallada loo dhiibo dad aqoon sare u leh oo soo yag-liili kara dhismaha hay’addo lagu kalsoonaan karo uu ka shaqeeya nabad-galyada iyo garsoorka wadanka.

Siyaasiga ayaa sidoo kale aad u weeraray siyaasada arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay lagu tilmaami karo Siyaasad habeen Guur ah oo meel loo raaco  laheyn

‘’Dad ayaa ku odhanaya Soomaaliya waa dhaxdhaxaad, sidee dhax-dhaxaad ku noqonee haddii aad safiir garoonka diyaaradaha Muqdisho ku bahdisho oo aad lacag uga qaadato, mid kalana aad madax-tooyada ku marti-qaado’’ ayuu yidhi isaga oo ula jeeday safiirrada dowladdaha Imaaraadka iyo Qatar ee Soomaaliya.

Ugu danbeytii CabdiShakuur Warsame ayaa sheegay in laga digtoonnaado duminta dowlad-nimadii sida uu yidhi laga soo gudbo dhibaatada badan, isaga oo sheegay in shacabka Soomaaliya qaadan karin wax uu ugu yeedhay dowlad-nimo la kala leeyahay oo aan ku dhisneyn sinnaan iyo cadaallad.

Exit mobile version