Hargeysa (WJN)- Munaasibad balaadhan oo si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana lagu soo bandhigayay buuga Mahadhooyinkii SNM iyo waayihii Mujaahid Maxamed Cilmi Galaal ayaa waxa lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo ka qabsoontay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Mujaahidiin, Aqoonyahan, Abwaano, Madax-dhaqameed, Dhalinyaro, Haween iyo marti sharaf kale.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
WARIYE: XAMSE JIRDE
WAJAALENEWS.NET
HARGEYSA OFFICE