WAJAALE NEWS

Dowladda Mareykanka Oo Taageertay Xukun Ay Riday Somaliland!

Hargeysa(W,N)-Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay xukun Somaliland ku riday Afar qof oo kamid ah dadka ka ganacsada xayawaanka loo yaqaano Harimacadka, kuwaasi oo lasoo taagay Maxkamadda gobolka Marood-jeex.

Qoraal kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda oo lagu daabacay barteeda Twitter-ka ayaa waxaa lagu boggaadiyay xukunkii dhawaan Somaliland ku riday 4 qof oo ka gacasanaayay Harimacadka, waxaana xukunkaas la sheegay inuu ahaa ganaax lacageed.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaamtay arrintaan tallaabo hore loo qaaday, isla markaana gacan ka gaysaneysa la-dagaallanka ka ganacsiga xayawaanka Harimacadka ee Geeska Afrika.

“Waxaan bogaadinaynaa xukunkii dhawaan lagu riday afar ka mid ah ka ganacsada Haramcadka ka ganacsada Hargeysa. Dhacdadan waxay gacan ka geysaneysaa la dagaallanka ka ganacsiga haramcadka laga bilaabo Geeska Afrika illaa Bariga Dhexe” ayaa lagu yidhi qoraalka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.

Exit mobile version